Thursday, August 30, 2012

Maah Maahyo Xarafka ( N )

Maahmaahda Qaybta "N" ka Kacda

.
547. Naag kun baa koodisa ,kow baana guursada
553. Naag, naag ka umulisay iyo nin reer u weyni, midna siday wax u ogyihiin uma sheegaan.
554. Naagaha iyo carruurtaba sasabaa lagu wadaa
555. naagi kun nin way la sheekaysataa kawna way ka guursataa.
556. Naagi naag lala qabo waa u col
557. Naagi nimay legdaan, kama kacaan.
558. Naagi ninkay legedo kama kacdo
559. Naago abaal ha u gelin amaahse ha u diidin
560. Naago badhaadhahooday ka sheekeeyaan, ragna ba'ooda
561. Naago been baa lagu soo xero geliyaa runna waa lagu dhaqaa
562. Naago iyo riyaba diifta ayey isku eryoodaan
563. Naago jileec iyo naxariis midna wax kuma laha
564. Naago nimaan maddaxooda maja u rogin nin ma moodaan
566. Naago nin ay yaqaaniin col ma moodaan
567. Naago waa belo loo baahan yahay.
568. Naago waa u samir ama ka simir.
569. Naago wax laga bixiyey laguma dhaqo oo wax loo hayaa lagu dhaqaa
570. Naago yaryarasi ma le
571. Naagtii caana xun dhigataa iyana ku murud la'
572. Naaguhu hoosiis bay hadh moodaan
574. Naar hooba galaaso bartaa ey la aragneey, tiimbooy (Naar si fiican baa loo galaa, hadii kale banaankaa laga joogaa)
575. Naaso kor u jeeda nin arkaa, kuwo hoos u jeeda ma arko.
576. nabad la'aani waa nolol la'aan.
578. Naf wax jecel allaa dhibay
579. Nafeey, nin ku doona ku waa.
580. nafsi raaga rag iyo geel baa iska leh.
581. nafsigu ma hadho.
582. naftu orod bay kugu aamintaa.
583. Naftu waxay ogtahay ilaashataa.
584. Naxariis eebbe lagama quusto
586. nimaad dhashay kuma dhalin.
587. nimaad fadhiga kaga adag tahay looma saro kaco.
589. Nimaad kabahiisa tolayso, kafantaada tolaaya.
590. Nimaad kabo ka tolanayso kabihiisaa la eegaa.
591. nimaan balan lahayni waa nin aan diin lahayn.
592. Nimaan dhididin ma dhergo
594. nimaan dhul marin dhaayo malaha.
595. nimaan hadlin habartiina wax ma siiso.
596. nimaan hubsiimo lahayni war gal maaha(C)
597. Nimaan kuu furu doonin yuusan kuu rarin.
598. nimaan naxariisan looma naxariisto.
599. nimaan qaybin jirin haduu qaybiyo nimaan qadi jirin baa qada.
600. nimaan qooq dilin maroodi ma dilo.
601. nimaan shantaasi kaa dabaalin sharci kaama dabaalo.
602. nimaan shaqaysan shaah waa ka xaaraan.
603. nimaan shaqaysan shaxaad baa dila
604. nimaan waxa jooga garanin waxa soo socdana ma garto.
606. Nimay meeli buktaa isagay balbashaa
607. Nin aad kabtiisa tolaysaa, kadabkaaga jaraya
608. nin aan baqani ma bad baado.
609. Nin aan dhididin ma dhargo.
610. nin aan dulqaadasho lahayni waa geel aan horwayn lahayn.
611. Nin aan hadlin habartiisba qadisay
612. Nin aan kuu furayni yuu kuu rarin
613. nin aan maahmaahin cod kar maaha(C)
615. nin aan wax garad ahayn haanta gadaankeedaa wax loo saaraa nin wax garad ahna daaqsin geel.
616. nin aanad maalin ku baranin sanad kuma baratid.
617. nin abaal gala wax badan baa la arkaa ninse guda wax yar baa la arkaa.
618. nin ani yidhi dad iska saar.(sooc)
620. nin buka boqol u tali.
621. Nin casarkii isa sheegay, cishihii ceebi ma qabato.
623. Nin daad qaaday xunbo cuskey
624. Nin dameero dabadood ka degay meel uga tooban buu waayey.
625. Nin dameero rartaa dad la toy ma aha.
626. Nin dhintay kabihiisaa dhaama.
627. nin durbaan tumay ilaaq dalbay.
628. Nin durbaan tuntay ilaaq dalbay.
629. Nin duulay dantii kaa og
630. nin faash wataa xaabo ma waayo.
631. Nin fadhiya, looma saro joogsado.
632. nin faruurani ma fooryo.
633. nin gu kaa wayn garaad kaa wayn.
634. nin hadduu isukaa waalo waa laysla waalaa.
635. nin ilko waa wayn haduu dhintona inuu qoslayaa la moodaa.
636. Nin Illaahay ka dambeeya kabtii ma yeela.
637. nin is faanshay waa ri is nuugtay.
639. Nin iyo naag is qaba colna ma aha nabadna ma aha.
640. nin iyo qabkiis.
641. Nin jiifa lama legdo.
644. nin kaa wayna waxba looma sheego.nin dheerna waxba looma tilmaamo.
645. nin kaligii tashaday waa nin orgi rartay.
646. Nin keligii garramay, iyo nin dhul gannay midna ma gefo.
647. nin ku arkaaya looma saro kaco.
648. Nin ku necebi xantaa og, nin ku jeclina xogtaa og.
650. Nin kuu digay kuma dilin.
651. Nin la dhacay ama caytan ama habaartan.
652. Nin la sugayoow adna yaad sugin
653. nin lagu seexdaw ha seexan.
654. Nin maalin ma gaadhid, nina sanad ma gaadhid, nina weligaaba ma gaadhid. nin maalin ma gaadhid oo waa ninka kaa faraska dheereeya, nin sanad ma gaadhid oo waa ninka xoolihiisu sanadkaa meel caws badan daaqiyey, nin weligaa ma gaadhid oo waa ninka kaa gabadha/naagta wanaagsan.
655. nin magaalo ka dudaw siigo yare
656. nin mar waashay waalida loogama sheekeeyo.
657. nin nin kaaa xigo iyo hawl nin kaa xigo midna laguma deg dego.
658. nin ood sida iyo nin adhi la joogaa arin ma kala laastaan.
659. nin ooman biyaha hoo baa deeqa.
661. Nin qoyani, biyo iskama dhowro.
662. nin qurux badan naagtaada uga yaab nin fool xuna naftaada uga yaab.
663. nin rag ah looma duur xulo.
664. nin reer ugu wayn iyo naag naag ka umulisay midna siday wax u arkaan uma sheegaan.
666. Nin sigtay ma nabad gelin
668. nin soo fadhiiso laga waayo soo seexaa laga helaa.
669. Nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday.
671. nin tuur lihi sida uu u seexdo isagaa kaa yaqaan.
673. nin waalan tolkii baa u miyir qaba.
675. Nin walba intay taagtii tahay baa qoraxdu ugu tagtaa.
676. Nin walba meeshii buktaa belbesha.
677. Nin waliba waxa uu yahay ayuu ku moodaa.
678. Nin war kuu keenay war kaa qaad.
679. Nin wax dhaqay dhurwaana wax u dhaq.
680. Nin wax yaqaan daaqsin geel baa wax loo mariyaa, ninaan wax aqoonna qaanso qurqurkeed.
681. Nin wayn tag lama yidhaahdee wuxuu ku tagaa la tusaa.
683. Nin wayni waa qorax casar joogta.
684. Nin wayni wadkiisa waa yaqaan.
687. Nin xil qaaday eed qaad.
689. Nin xoola ku siiya in badan baad aragtaa ninse talo ku siiya wax yar baad aragtaa.
690. Nin yari waa nin ban soo ordaya.
691. Nina dabeecadiisa lama doorin karo.
692. Ninaan hadlin, hooyadiis qadisay.
693. Ninba curadkiisa ceel gee.
694. Ninba gurigii gaado ku leh
695. Ninba kaskiisuu kor tagaa.
696. Ninka aan hadalka suginin warrankana ma sugo.
697. Ninka aragiisu ku deeqo ayaa oontiisuna ku deeqdaa.
698. Ninkaad adhi weydiisanayso, geel weydii.
699. Ninkii belaayadaada raba, bawdkaagu qori ka jabsadaa.
700. Ninkii dhagar qaba dhulkaa u dhaqdhaqaaqa.
701. Ninkii dhimanayaa dheg baa dheer
702. Ninkii geed fuulay asigi lee kasoo degi
703. Ninkii seexdaa sixii dibi dhalay.
704. Ninkii talin jiray hadduu tago, midaan talin jirin baa yimaada.
705. Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara.
708. Ninkii uurka dabana Illaah baa arka, ninkii isha dabana Aadmibaa arka.
709. Ninna caadidii ma daayo, bahalna ceedhin ma daayo.
710. Nin meeli u cadahay meeli ka madaw.
711.nin caadadii ka maydh iyo dundumo ciid ka maydh labadaba waa lagu daalaa.

No comments:

Post a Comment