Tuesday, August 21, 2012

Geeraar jaceyl ah Sahra

Sahra waxaan kaliya
Dadka kaala soobaxay
Suugaan kuugu tiriyaa
Samo kuugu dhawraa
Samaan kuugu heesaa
Suleekha kuugu yeedhaa
Wanaagaaga u,sida
Sidii sabi dhalaameed
Saxar kaaga ilaashaa
Waa jacal i,saarnaa
Sadax iyo toban sano
Sidii tiriig siraadnaa
Ayaa igu siyaadoo
Saameeyay molashoo
Aan laseexan waayoo
Saqda dhaxe i,mira,oo
Sahwi igu salaamoo
Sanka iga duleelshoo
Suudiyo cadceedkulul
Saynabeey i,dhigayoo
Maanta aan lasoognahay
Hadba dhinac ii,sida,oo
Marba,aan lasarakici
Naftu way siloontoo
Samir qaadan wayso

No comments:

Post a Comment