Sunday, August 26, 2012

Fariin Daadis Ah

Fariin Daadis Ah

Damacaa ku qaadee
Dooqaagu waa doolar
Dan kaama lihiyee I daa
Doqon aan jeclaaday
Dahab hadii lagu raro
Doolar iyo diinaar
Dan kaama lihiye
Dooni mid kale
Doqon lama dugaashee
Da.yer baan ahee I daa
Duduubey hadalkaaga
Ducaan duqowda weydiisan
Danihii aan laha
Dartaan baan u gubay
Ku diidey aniguye
Kurbo caashaq kaama lihi
Kol horaan ku diidey
Kulan kuuma quuree
Kobtaada I maqashii

No comments:

Post a Comment