Sunday, August 26, 2012

Fariin jaceyl Naf loo hamuun qabo

Hamuun jaceyl
From :naf loo hamuun qabo

Hamuun baan kuu qabaa
Halbowlihii dhiiga sidey iyo
Howl wadeenkii jirkoo idil
Heegan bey kuu yihiin
Haddan kuu jeedi waayo
Hurdo caashaq maan helin
Hilowga aan kuu qabo
Howlaha aduunkaa is
Hareero yaallee
Hoog iyo caloolyoow
Hurdo xumaan kuu noolahay
Haasaawe maan helin
Hilowga aan kuu qabo
Habeenkii oo idil
Hareerahaan kaa dayaa
Hamuun caashaq baa I helay
Heesaha jaceylkuna
Adaa igu habey dhamaantood
Horaadkaaga isaaroo
Hamuunta iga gooy

No comments:

Post a Comment