Sunday, August 26, 2012

From naf loo dhib qabo

Calaacal :
From : naf loo dhib qabo
Ku bilow aboowe mise abaayo
Sahal ma ahan caashaqu
Mar hadduu ku saaqo
Wadnahaana surnaado
Suuradaada wacan baa
Saqda dhexe habeenkii
Sahwi baan dareemaa
Siduu ii saaqay daranaa
Sida aan u surnaa
Saqdi dhexe habeenkii
Barbarkaan u jiifsado
Baryo ka soo kici maayo
Bogga iyo calooshiyo
Beerkaa la iiga badan yahay
Bartaada hadaan arko
Bisha afar iyo tobnaad baa
Ber walba ku moodaa
Bilicdaada wacan baa
Bartamaha habeenkii
Bilicsami u eegaa

No comments:

Post a Comment