Tuesday, August 28, 2012

Naag Soomaali ninkeeda sun siisay markii lala guursaday Dumar kale

 Naag Soomaali ninkeeda sun siisay markii lala guursaday Dumar kale

Dhacda Xanuun Iyo Uur KuTaalo Leh Ayaa Waxa ay Ka Dhacday Maalintii Arbacada aheyd Dalka soomaaliya Qaasatan Magaala Madaxdiisa Muqdisho, Kadib Markii Haweeney Marwo Aheyd ey Seegeyda Raashinka ugu dartay Walxo aysan Ilaa Haatan Dhaqaatiirta Reer Muqdisho Aysan garan.
Haweeneydaaan oo Ninkeeda Dhawaan la Guursaday Naag kale ayaa Waxa la sheegay iney Maseyr Daran ka Qaaday haweeneyda Kale ee Min Yarada u Noqotay, Ehelada Qoyskan oo ay  ayaa Ka Gaabsaday ineey Faah Faahin Ka Bixiyaan dhacdadan foosha Xun.
Balse Haweeney La daris Qoyskan ayaa Noo Sheegtay in Dhibkan kusoo Kordhay Qoyskan uusan Ka Horeyn markii Xasan Yacquub oo ah Aabaha Guriga uu La Aqal Galay Qoyskan danbe, Haweeneydaan oo diiday in Magaceeda lasoo Xigta ayaa  Sheegtay in labadii Maalin ee ugu danbeysay Xasan Yacquub Xaaskiisa Ay Ka Daba Waregeysanaysay Nin kamid ah Dadka Loo Yaqaan Kitaab Gaablooyaasha.
Haweeneydaas ayada oo Hadalkeeda Sii wadata waxa ay tiri ” Xili uu Qadeynayay ayaan Ka war Helnay in Xasan Markii uu Dhowr Cantuuga ah oo Raashin ah uu qaatay uu Matag ( Hunqaaca) Bilaabay ilaa Heer uu Fadhigii uu Fadhiyay uu Ka Dhaqaaqi waayay, waxaana isla Xiligaasba loola Cararay isbitaalka hayeeshee Dhaqaatiirta Meysan Garan Cudurka Haya Xasan Dhiigiisa oo Baaritaana Lagu Sameeyay Waxa ay Noqdeen Nagative, Calooshiisa waa ay Barartay Waxa uuna Wali Ku jira oo lagu Baxnaaninayaa Isbitaalka ayeey Haweyneydaas hadalkeeda Kusoo gaba gabaysay iayada oo Ilmeyneysa ”.
Hadaba Xaaska Xasan ee Looga shaki qabo in Raashinka Ninkeeda Wax Ugu Dartay ayaa Ilaa Haatan la Ogeyn Meel ay jaan Iyo Cirib dhigtay.

No comments:

Post a Comment