Sunday, August 26, 2012

Sarbeeb jaceyl

Sarbeeb jaceyl :
Ku bilow aboowe ama abaayo waxaan kuu hibeeyay salaan ay isu diraan dadka nolosha wadaagey ee kala dheeraadey ee dareemey cidlo

Markii aan ku waayey
Midigteydi baa luntey
Marxabeyn iska daayee
Murug baan dareemey
Macnahaasi maan garan
Ma caashaq baa I helay
Ma hogaan baan rabaa
Ma adigaan ku tabey
Marxaladaan joogo
Ma qiyaasi karaayo
Marxuum in aan ahay
Mugdi inaan ku jiro
Marqaati looma haabno
Midig caashaq ii fiiri
Mar haddaan ku waayo
Mugdi baan dareemaa

No comments:

Post a Comment