Tuesday, October 14, 2014

Gobolka Banaadir

Banaadir waa gobolka ugu yar dalka Soomaaliya wuxuuna ka kooban yahay 16 degmo waana magaalo-madaxda dalka Soomaaliya Xamar iyo baadiyaha ku xeeran. Banaadir waxaa waqooyi ka xiga gobolka Shabeellaha Dhexe koonfurne Shabeellaha Hoose iyo bari oo ay ka xigto Badweynta Hindiya

Banaadir waxaa la isku dhihi jiray qarnigii 19aad Magaalooyinka Soomaaliyeed ee ku yaal xeebaha Badweynta Hindiya laga bilaabo Cadale laguna geeyo magaalada Baraawe. Waaguu gumaysiga Talyaaniga koonfurta Soomaaliya katalin jirey iyo horaantii madaxbanaanida dalka Soomaaliya, Banaadir waxay ka koobanayd gobolada hadda loo kala yaqaan Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Banaadir balse waxaa la bedelay 198? markii ay Dawladda Kacaanka bedeshey soohdimaha gobolada DalkaSoomaaliya.
Degmooyinka gobolka Banaadir

    Dayniile
    Xamarjajab
    Xamarweyne
    Shibis
    Shingaani
    Dharkeenleey
    Cabdicasiis
    Kaaraan
    Heliwaa
    Hodan
    Howlwadaag
    Waaberi
    Wadajir,
    Wardhiigleey
    Yaaqshiid
    boondheere
    kaxda


Ana Ana Somali Live


Ana Ana Somali Abdirashid Muhyidin ...

Tuesday, November 19, 2013

Soomaali orod ku soo qabatay Xayawaanka Harama-cadka Masawiro



Afar ruux oo Soomaali ka soo jeeda Tuulada Tarbaj ee magaalada Wajeer Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa Orod ku soo qabtay xayawaanka loo yaqaano Harama-Cad ama Cheetah, kaasoo xoolo u badan Ari ka cunay dadka deegaanka.

Harma-Cadka ayaa ah xayawaanka ugu orodka badan dunida, iyadoo dadka deegaanka ay xeelad u kaashadeen soo qabashadiisa.

Noor Cismaan Xasan oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in Harmacadku dilay arigooda oo maalin kasta uu mid dili jiray.

Raggani waxay sheegeen inay sugeen inta laga gaarayay xilliga ay qoraxda ugu kulushahay si ay u soo qabtaan Harma-cadkan.

Dadka Harmacadka soo qabtay ayaa dalbaday in magdhaw laga siiyo ariga laga dilay.
Noor Cismaan iyo asxaabtiisa ayaa markii dambe soo qabtay Harmacadkan, oo ay ku soo wareejiyeen waaxda duurjoogta ee Kenya.

Xoolaha ayaa laf dhabar u ah dhaqaalaha dadka Soomaalida deggan ee Gobolka woqooyi-bari Kenya.

Noor Xasan Cusmaan ayaa sheegay in Harmacadkan uu dilay 15 ka mid ah arigiisa.
Waxaa uu sheegay in uu go'aansaday inuu soo qabto Harma-cadkan kaddib markii isagoo wax dilayo amin subax ah"

"Waan u sugay intay qorraxdu ka kululaatay, markaas ayaan billaabay inaan dhallinyaro raadsado si aan u soo qabto" ayuu yiri Noor Cismaan.
Waxaa uu sheegay in Harmacadkan ay eryaneeyn afar mile ama ku dhawaad toddobo kiloomitir.

Dhacdadan ayaa ah tii ugu yaabka badneyd ee ka dhacda deegaanka Tarbaj ee ka tirsan Wajeer, iyadoo markii Harama-cadka la qabtay ay isugu soo baxeen dadweyne fara badan si ay u daawadaan.

























Shingaani News Media

Friday, November 1, 2013

Gabar mucjiso ah oo ku dhalatay Magaalada Muqdisho

Gabar mucjiso ah oo ku dhalatay Magaalada Muqdisho
Gabadhaan Soomaaliyeed, ayaa waxay Arbacadii shalay ay ku dhalatay qaab ka duwan, sida ay ku dhashaan bini'aadamka. Waxayna tani dadku ku sheegeen mid mucjiso ah.

Gabadhaan, ayaa waxay ku dhalatay Xero/Kaam, ay deggan yihiin dadka barakacayaasha ah, oo ku yaala Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan dhanka Ex Kulliyadii Jaalle Siyaad.

Gabadhaan, ayaa waxay lee dahay min afar lugood iyo afar gacmood, iyadoo lugaha iyo gacmuhuba, ay min laba kamid ah ay yihiin kuwo is dul fuula.

Sidoo kalana gabadhaan, ayaan laheyn wax faro ah, haddii ay noqon lahaayeen faraha gacmaha iyo kuwa lugahaba, ee ay lee yihiin dadka sida caadiga ah ku dhasha.

Arrinta kale ee layaabka leh, ayaa waxay tahay, in iyadoo ay gabadhaan lee dahay afar bishimood/dibnood. Halka ay dadku lee yihiin mid hoose iyo mid kaloo xagga sare ku taala.

Aabaha dhalay gabadhaan oo lagu magacaabo Nuur Cabdi Xuseen C/raxmaan, ayaa wuxuu Warbaahinta u sheegay, inay ka naxayn calaamadaha gaarka ah, ee ay gabadhoodu yar ku dhalatay.

Aabahaan Soomaaliyeed, ayaa wuxuu dadka Soomaaliyeed uu ugu yeeray, bal inay u yimaadaan oo ay la baaraan, mucjisada ay ku dhalatay gabadhiisa yar.

Gabadha ku dhalatay dhacdada ugubka ah ee ka dhacday Magaalada Muqdisho, ayaa weli nool, isla-markaana hooyada dhashay, ayaa si caadi ah u quudineysa gabadha ku dhalatay muuqaalka argagaxa leh.