Friday, November 1, 2013

Gabar mucjiso ah oo ku dhalatay Magaalada Muqdisho

Gabar mucjiso ah oo ku dhalatay Magaalada Muqdisho
Gabadhaan Soomaaliyeed, ayaa waxay Arbacadii shalay ay ku dhalatay qaab ka duwan, sida ay ku dhashaan bini'aadamka. Waxayna tani dadku ku sheegeen mid mucjiso ah.

Gabadhaan, ayaa waxay ku dhalatay Xero/Kaam, ay deggan yihiin dadka barakacayaasha ah, oo ku yaala Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan dhanka Ex Kulliyadii Jaalle Siyaad.

Gabadhaan, ayaa waxay lee dahay min afar lugood iyo afar gacmood, iyadoo lugaha iyo gacmuhuba, ay min laba kamid ah ay yihiin kuwo is dul fuula.

Sidoo kalana gabadhaan, ayaan laheyn wax faro ah, haddii ay noqon lahaayeen faraha gacmaha iyo kuwa lugahaba, ee ay lee yihiin dadka sida caadiga ah ku dhasha.

Arrinta kale ee layaabka leh, ayaa waxay tahay, in iyadoo ay gabadhaan lee dahay afar bishimood/dibnood. Halka ay dadku lee yihiin mid hoose iyo mid kaloo xagga sare ku taala.

Aabaha dhalay gabadhaan oo lagu magacaabo Nuur Cabdi Xuseen C/raxmaan, ayaa wuxuu Warbaahinta u sheegay, inay ka naxayn calaamadaha gaarka ah, ee ay gabadhoodu yar ku dhalatay.

Aabahaan Soomaaliyeed, ayaa wuxuu dadka Soomaaliyeed uu ugu yeeray, bal inay u yimaadaan oo ay la baaraan, mucjisada ay ku dhalatay gabadhiisa yar.

Gabadha ku dhalatay dhacdada ugubka ah ee ka dhacday Magaalada Muqdisho, ayaa weli nool, isla-markaana hooyada dhashay, ayaa si caadi ah u quudineysa gabadha ku dhalatay muuqaalka argagaxa leh.

No comments:

Post a Comment