Tuesday, November 19, 2013

Soomaali orod ku soo qabatay Xayawaanka Harama-cadka Masawiro



Afar ruux oo Soomaali ka soo jeeda Tuulada Tarbaj ee magaalada Wajeer Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa Orod ku soo qabtay xayawaanka loo yaqaano Harama-Cad ama Cheetah, kaasoo xoolo u badan Ari ka cunay dadka deegaanka.

Harma-Cadka ayaa ah xayawaanka ugu orodka badan dunida, iyadoo dadka deegaanka ay xeelad u kaashadeen soo qabashadiisa.

Noor Cismaan Xasan oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in Harmacadku dilay arigooda oo maalin kasta uu mid dili jiray.

Raggani waxay sheegeen inay sugeen inta laga gaarayay xilliga ay qoraxda ugu kulushahay si ay u soo qabtaan Harma-cadkan.

Dadka Harmacadka soo qabtay ayaa dalbaday in magdhaw laga siiyo ariga laga dilay.
Noor Cismaan iyo asxaabtiisa ayaa markii dambe soo qabtay Harmacadkan, oo ay ku soo wareejiyeen waaxda duurjoogta ee Kenya.

Xoolaha ayaa laf dhabar u ah dhaqaalaha dadka Soomaalida deggan ee Gobolka woqooyi-bari Kenya.

Noor Xasan Cusmaan ayaa sheegay in Harmacadkan uu dilay 15 ka mid ah arigiisa.
Waxaa uu sheegay in uu go'aansaday inuu soo qabto Harma-cadkan kaddib markii isagoo wax dilayo amin subax ah"

"Waan u sugay intay qorraxdu ka kululaatay, markaas ayaan billaabay inaan dhallinyaro raadsado si aan u soo qabto" ayuu yiri Noor Cismaan.
Waxaa uu sheegay in Harmacadkan ay eryaneeyn afar mile ama ku dhawaad toddobo kiloomitir.

Dhacdadan ayaa ah tii ugu yaabka badneyd ee ka dhacda deegaanka Tarbaj ee ka tirsan Wajeer, iyadoo markii Harama-cadka la qabtay ay isugu soo baxeen dadweyne fara badan si ay u daawadaan.

























Shingaani News Media

No comments:

Post a Comment