Tuesday, August 28, 2012

CARABTA IYO QURUXDA

CARABTA IYO QURUXDA

Soomaalida oo keliya ma aha, ee carabta lafteedu waxay tiraahdaa: (Naag wanaaggeed ma dhamaystirna haddaanay afar u caddayn, afar u casayn, afar ciriiri u ahayn, afar u carfayn, afar u madoobayn, afar u weynayn, afar u koobaabnayn, afar u ballaarrayn, afar u jilicsanayn, afarna u yarayn). Afarreydiina waa sidatan:-

- Afar ay u caddahay: indhaha, ilkaha, ciddiyaha iyo midabka.

- Afar ay u castahay: carrabka, ciridka, dhabannada iyo dibnaha.

- Afar ay ciriiri u tahay: sanka, dhegaha, xuddunta iyo cambarka.

- Afar ay u carfayso: sanka, afka, kilkilaha iyo cambarka.

- Afar ay u madowdahay: sunniyaha, timaha, indhaha wiilkooda iyo baararkooda.

- Afar ay u weyn tahay: joogga, garbaha, feeraha iyo barida.

- Afar ay u wareegsan tahay: madaxa, indhaha, cududdada iyo kubabka.

- Afar ay u ballaaran tahay: foolka, indhaha, shafka iyo cajarrada.

- Afar ay u yar tahay: dhegaha, cagaha, afka iyo calaacullada.

- Afar ay u jilcan tahay: sunniyada, sanka, dibnaha iyo dhexda.

No comments:

Post a Comment