Tuesday, August 28, 2012

SOOMAALIDA IYO QURUXDA

SOOMAALIDA IYO QURUXDA

Soomaalidu waxay tiraahdaa: (hadday naagi siddeed iyo labaatan sifo oo dumar lagu raaco leedahay, asay gabar tahay, guurkeeda sina looma daayo). Sifooyinka ay tilmaamaanna waa sidatan:-

- Afar ay u dheer tahay: labada gacmood, timaha iyo qoorta.

- Labay u dhuuban tahay: qoorta iyo dhexda.

- Afar ay dhumuc u leedahay: labada kub iyo labada cududdood.

- Afar ay u caddahay: labada indhood iyo ilkaha labadooda lakab.

- Afar ay u madowdahay: labada indhood wiilkooda iyo labada sunniyood.

- Afar ay deeb u leedahay: labada dibnood (bushimood) iyo labada mudane (Naasaha caaraddooda).

- Labay u shuban tahay: labada dhaban.

- Hal ay u buuxdo: shafka oo ah meesha dumarku quruxda ka sitaan, ishuna ku nasato.

- Hal ay u qoran tahay: waa sanka.

Lix iyo labaatankaas sifo araggay ugu qurux badan tahay, labana maqalkooda ayay dheguhu ku raaxaystaan, waana qosolkeeda iyo codkeeda macaan.

No comments:

Post a Comment