Sunday, August 26, 2012

Fariin Geeraar Jaceyl Ah

Geeraaro jaceyl ah
Fron : naf wax lala wado

Gabey baan kuu marayaa
Gacal wacan xambaarsan
Gayaantii xiligaan
Gacal lala wadaaba adigaa
Gacal mudan hadaan ruux
Gacloonayo gacan wacan la siinaayo
Adigaa guddoon mudan
Haddan eego gayaankaan
Gacal looma quuree
Garaad wacan inaad tahay
Garwaaqso ogow
Musbaax baad tahay ifeysoo
Muuqaalkaaga wacan baa
Horay ugu maqsuudee
Saxansaxo roobkiyo
Si carfoon u jiidaa
Saakey iila mid tahay

No comments:

Post a Comment