Sunday, August 26, 2012

Fariin Jaceyl Qoomamo

Qoomamo jaceyl :

Qoomamaan joogaa
Qiimihii wacanaa iyo
Qurux daad laheyd baa
Qarka iga tuuree
Qabri inaan u hodaa
Qorshahaagu ahaa
Qaadir baa ii macneeyay
Qiyaanadii wadatey iyo
Qalbigaaga ii dumay
Qorshahaad waddoo idil
Qeex baan u haysaa
Qatal haddaad is laheyd
Qorshahaasi wuu lumey
Qurux haddey qiimo leedahay
Qiyaasna loo dhameeyay
Qiyaano aan dhamaan
Qalbi caruur baad tahee
Qiyaamo heer laguma gaaree is qabo

No comments:

Post a Comment