Tuesday, August 28, 2012

GACAL DOORASHADA

GACAL DOORASHADA

 Diinteenna Islaamku waxay ina baraysaa in haweeney afar waxyaabood lagu guursado, kuwaasi oo kala ah: qurux, qoys sharaf leh ooy ka dhalatay, maal iyo diin. Haddaba haddaynu mid mid u kala qaadno:

1- Qurux: Quruxdu inkastoo ay tahay shabagga ugu horreeya ee ay dumarku ragga u daadiyaan, misana diin iyo akhlaaq haddaanay dugsanayn, intay halleyso ayaa ka badan waxay hagaajiso, waxana weeye wax da’ ku xiranoo qofka aan ku daahin. Waxaa la yiri quruxda keligeed ahi waa sida bal cagaaran oo intaad u bogto aad xoolaha ku deysatid, kolkeyse daaqaan ay ku banaan (shubmaan) oo bushi uun ka qaadaan.

2- Qoys sharaf leh: Waa wax loo baahan yahay in dad la garanayo oo magac iyo maamuus leh laga guursado, waana kii uu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) yiri: “U doorta xawadiinna, cirqigu waa uu dusaaye”. Xadiiska oo uu soo saaray ibnu Maajah, micnihiisu waxa weeye dadnimo wanaagga waa la’iska dhaxlaaye, hubiya qofka aad guursaneysaan amaba u guurineysaan inuu qoys wanaagsan ka dhashay. Ha yeeshee, illayn qoyska dhan guursan maysidoo qof baad ka guursanaysaaye, sideed ku dammaanad qaadaysaa inay qoftaasi noqon doonto tii lagu nastoo lagu nagaado, haddaanad akhlaaq iyo diin ka eegin?.

3- Maal: Ninkii gabar maalkeed “oo qura” u guursadaa, ma uu doonayo gabadhee maalkeeduu doonayaa, ayada lafteeduna waxay u aragtaa nin ay iibsatay. Waxaa hore loo yiri: Ninka waxa wanaagsan inuu gabadha uu guursanayo saddex dheer yahay: da’ iyo nasab iyo duunyo, si aysan u yasin. Gabadhana waxa wanaagsan ninka ay guursanayso inay saddex dheer tahay: samir iyo edeb iyo suurad wanaag, si uusan u yasin.

4- Diin: Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu xadiis saxiix ah ku yiri: (Naag waxa loo guursadaa maalkeeda, quruxdeeda, sharafteeda iyo diinteeda, ee ta diinta leh gaar gacmaha ciid gashee). Gabadha diinta lihi waa tan garanaysa siday u gudan lahayd xaqa uu ninkeedu ku leeyahay, siday u dhawri lahayd asraarta gurigeeda iyo nafteeda, siday isaga ilaalin lahayd masayr, carruurtana ugu barbaarin lahayd tubta toosan.

Haddaba, maadaama ay adagtahay sidii lagu heli lahaa haweeney afarta sifo ee aannu soo sheegnay isku darsatay, waxaa habboon in xoogga la saaro qof diin leh, hadday markaasi qurux iyo qoys wanaag ku darsato waa Alxamdu Lil-Laahi, hadday maalkeeda sidatana waa Rabbil-Caalamiin.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaad mooddaa in dabeecadda raggu dalkay doonaanba ha u dhasheene tahay inay gabadha bilicsanaanteeda iyo muuqaalka bedenkeeda ku daba galaan, intaanay u daadegin diin iyo dabeecad kale. Hadday markaasi diin iyo dabeecadi u dheer yihiin, ninka daa’in ka baqayaa waa tuu doonayey, kii kalee damackatiir ahe xoolo daneeyaase quruxda wuxuu ku daraa inay dad magac iyo deeq leh ka dhalatay.

No comments:

Post a Comment