Friday, August 31, 2012

Waan waayay waana ka sabray mana filayn inuu nool yahay

Wiil lagu magaacaabo Ismaaciil Ibraahim Cabdi ayaa dib u helay qoyskiisa oo ay kala maqnaayeen 20sano,wiilkane ayaa ka lumay qoys kiisa waxana helay haweenay isaga oo caruur kula cayaaraya isgoyska fagax degmada yaaqshiid ee magalada muqdisho.Waxaa uuna la noolaa qyskii soo korsaday illaa uu ka guursaday raadin iyo baadi doon uu ugalay kadib ayuu ku guulaysaty inuu helo qoyskiisii,hooyada dhashay Ismaaciil oo lagu magacaabo xaawo sh.maxamed nuur oo hadda indhoola ah ayaa sheegtay inay wiilkeeda waysay ugana lumay xaafadda siigaale ee degmada hodan magaalada muqdisho.

“Waan waayay waana ka sabray mana filayn inuu nool yahay laakiin alla mahaddii waan helay isagoo nin wayn ah oo leh xaas,waxaana la indha belay murugada aan ka qaaday wayn tiisa” ayay sheegtay hooyada dhashay ismaaciil ibraahiim cabdi.




Waxaa sidoo kale hadashay hooyada soo korsatay oo lagu magacaabo xabiibo maxamuud oo iyana sharaday halka iyo goorta ay heshay inankani “isga oo caruur yaryar kula cayaaraya isgoyska fagax ayaan helay goor galab gab sanadku marku ahaa 1992dii waana iska korsaday illaa intaasna aniga ayuu ila noolaa”sidaa waxaa yiri hooyada soo korsatay.

Sidoo kale waxaa kawaramay dareenkiisa ku aadan dib u hana shada qoyskiisa Ismaaciil Ibraahiim cabdi “waxaan aad ugu faraxsanahy inaan dib isuhelno qoyskayga oo aan ka maqnaa muddo dhan 20sano waxaana walwal ka qabay inaan heli doono iyo inkale.

Waxa ay ku soo beegmaysaa is helidda qoyskan kala maqnaa muddada 20ka sano ah iyadooy qoysas badan oo Soomaali ah ay isku la’yihiin gudaha waddanka iyo dibaddiisaba kaddib markii ay kala habaabiyeen dhibaatooyinka ay sababeen dagalada sokeeye.

No comments:

Post a Comment