Friday, August 31, 2012

waxaa la iga doortay Chinese iyo Jameykaan

Dhacdadaan oo mid xanuun badan ah ayaa waxay dhex martay lamaane Somaliyeed oo lagu kala magacaabo C/Laahi iyo Hoodo, waxaana ka sheekeeyay C/Laahi qisadaan oo mid xanuun badan ah, waxayna ku bilaabaneysaa sidatan.

Waxaan ku dhashay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, sanadka markuu ahaa 1980-kii, waxaa nasiib u yeelanay dhamaan aniga iyo qoyskayga inaan soo caga dhigano dalka Ingiriiska horaantii 1992-kii. Isla sanadkaas waxaan magaaladda London ka bilaabay waxbarashadayda ilaa heerka Jaamacadeyda aan kusoo qaatay London.

Markii aan dhameeyay dugsiga sare ayaa waxaa go aan ku gaaray inaan barto caafimaad, waxaana ka bilaabay Emperial College, nasiib wanaag waxaa ku bartay Hoodo, wax Soomaali sheegta aniga iyo Hoodoo o kaliya baa ka dhigana. Hoodo waxaan ka caawin jiray waxbarashada iyo leyliyada la inoo diri jiray. Mararka qaar waxaa dhici jirtay inaan aadi jiray guriga Hoodoo o aan halkaasi kaga caawin jiray. Xaqiiqdii anigu waan ka helay Hoodo, ileen qof walba wuxu lee-yahay dooq, aniguna dooqeyga ayay noqotay, Waayo waa gabar edab leh, dabeecad leh, Anna aad i xiiseyn jirtay, hase yeeshee qalbigayga mar walba waxa ku taagneyd Hoodo haku dhihin waan ku caashaqay ama waan ku jeclahay.

Maxaa yeelay waxaa inaga dhaxeysay walaaltinimo, aniguna waxaa diidi jiray in ay qalad iga fahanto, xilligii gab-gabada ee waxbarashayda, ayay igu tiri sidee u aragtaa haddii aan arin ku sheegto, anigoo yaaban misa-na leh taloo maxay ku dhihi doontaa ayay igu tiri (Anigu waxan ahay naf ku calmatay aad baana kaaga helay, waxaana doonaayaa mustaqbal inaan wada yeelano), aad baan u farxay waayo arin igu taagneyd ayay i fududeysay. Sidii ayuu ku bilowday caashaqeynii. Mudo kadib waxbarashadii ayaa inoo dhamaatay, Hoodo ayaa waxay igu tiri Aabe iyo Hooyo waxan u sheegaayaa inaan isjacel nahay ee iga soo doono, fadlan u kaalay reerka.

Aniguna waan ka aqbalay, arintii waxaan u sheegay Hooyadey bacdamaa aan iyada la-noolahay, wey iga ogolaatay balse maysan ii sheegin qoyskayna in ay Soomaalidu heyb soocaan. Waxaan imid gurigii Hoodo, aad ayay ii sugaayaan waalidka dhalay Hoodo, hase yeeshee Hoodo maysan u sheegin waalidkayda ninka soo doonanaayo aniga inaan ahay, iyadoo rabtay in ay uga dhigto mid lama filaan ah.

Meeshii ayaa ku wada kaftanay qoyskii dhalay Hoodo, balse mushkilada ayaa waxay timid kadib markii uu odayga igu dhahay nin yahow waxaa fiican in lees barto, ee inoo sheeg cida aad tahay, markaas baan ugu jawaabay Adeer Madhibaan baan ahay, odaygii waxaan ka dareemay wiji gaduud iyo farxadii faraha badneyd ee uu markii dhex dabaalanaayay oo ka tagtay, hase ahaatee wuxuu igu yiri adeer waan kaasoo tashan doonaa.

Arinkii waxaan u sheegay Hooyadee, iyana waxay i sheegtay reerka aan dhalanay in la-yaso, markaas ayaa ku dhahay Hooyo soo Soomaalida maaha dad madow oo hadana Islaam sheegta, maxay ina dheer yihiin, waxay ila noqotay Yaabka Yaabkiisa.

Dood dheer kadib waxaan ka war helay 3 cisho kadib Hoodo Hargeysa ayaa loo-diray waan iska ooyay madaxa ayaa iskakey xanuunay, sababta aan u ooyay waa maxay, waayo waxaan ahay naf wax jacel, waxaan ku sigtay Hargeysa inaan uga daba tagay, balse waa Su aalee Hargeysa yaan ka aqaanaa? Dabcan cidna, sababtoo ah waxaan ahay nin Qurbaawi ah. 1 sano kadib anigoo magaaladda dhex socda welina ay Hoodo iga dhex guuxeysa ayaa waxay indhahaygu qabteen Hoodo, waanu iswareysanay Hoodo durbadiiba Ooyin aanan caadi aheyn ayay ku dhufatay, xilligaas waxaa inoo dhawaa Baar kafee (Coffee) laga qabo, meeshii ayay igu warantay, waxayna igu tiri (Aabe wuxuu igu yiri intaandMadhiban guursan laheyd ii keen Nin Chinese ama Jameykaan ah, waan ku qalaayaa haddii aad i keento nin Madhibaan ah).

War Ileen Taloow yaa arkay, anigoo nin Muslim ah, welibana Somali ah, weliba isku dhaqan isku luqad nahay, ayaa waxaa la iga doortay Chinese iyo Jameykaan, war xagee u soconaa war Yaa Alle yaqaano.

Hoodo waxaan ku dhahay waxaan wax u baranaayay nolol macaan aniga inaan ku nolado mana doonaayo, qalalaaso guri ku dhisan, cafis iyo Musaamax ayaa iga tahay baan ku iri, sidee ayaa uga soo dhajaajiyay. Kiligee ayaa meel fadhiistay waxaan isweydiiyay war maxaa la dinka heystaa, maxaa sameyseyn, isku dhaqan aya tihin, isku Diin ayaa tihiin,

Isku luqad iyo midib wadaag baa tihiin. Si walbo ayaa u fikiray waxaa i soo baxday Gabar Somali danbe inaanan jeclaan, xilligaas waxaa jirtay gabar u dhalatay dalka Spain oo jaamacadda ka wada qalin jibinay hase ahaatee aad bay i jecleyd, iyadii ayaa guursaday.

Waxaan ka shaqeyn jiray UCL Hospital waxaa shaqo laga siiyay Hoodo qeybta caruurta, waanu iswareysanay waxaan weydiiyay in ay guursatay iyo in kale, hase ahaatee waxay i sheegtay in ay guursatay nin Urdun ah ayna u dhashay hal wiil, waxay kaloo intaasi ay ii raacisay hada in ay kala tageyn. Waxaan weydiiyay bal sababta u geysay in ay guursato nin Urdan ah, hase yeeshee waxay i sheegtay in ay kor u dhaaftay 30 sano aysan jirin cid guursan laheyd. Sidoo kale iyana waxay i weydisay bal inaan guursaday iyo in kale waxaan u sheegay inaan guursaday gabar Muslimaad ah oo u dhalatay Spain oo isku fasal wada ahaan jirnay, waxaan kaloo u sheegay hada in ay i dhashay 3 caruur ah.

Hadaba aan weydiiyo Soomaalida, war anaga maxaa nalagu yasaa? Maxaase dadku ina dheer yihiin? Maxay waalidiintu iskugu diidaan laba walba oo is-caashaqda ama isdooneysa?

Dhamaad

No comments:

Post a Comment