Monday, October 22, 2012

Haweeney Shiinees ah oo si halis uga badbaaday Mindi ay madax isaga Muday

Haweeney u dhalatay dalka Shiinaha ayaa ka badbaaday iyadoo uusan soo gaarin dhaawac halis ah kadib marki ay gudaha u gashay shan inji tooreey ay madaxa isaga daabtay.

Sawiro naxdin badan ayaa laga qaaday haweeneydan intii lagu guda jiray sidii mindida looga saari lahaa, haweeneydan ayaa lagu magacaabo Zhang Lan, mindida.

Lan, oo ah qof madaxa loogaga jiro ayaa la rumeysanyahay in iyada isku dhifatay mindada xilli qoyskeeda aysan u jeedin amaba ay guriga ka maqnaayeen.

Isbitaalka ayaa markiiba loola cararay laakin waxaa ka goos aadeegay in ay mindida ka saaraan madaxeeda laba dhaqtar oo ka howlgaleysay isbitaalka deegaanka ay ku nooshahay kuwaasi oo ka baqay in ay badbaadin kari waayaan iyada.








Hase yeeshee marki danbe ayaa waxaa loo kaxeeyey isbitaal ay leeyihiin milatariga oo la yiraahdo Lanzhou Army General Hospital kaasi oo howlgal sadex saacadood qaatay kadib ku guuleystay in si guul leh mindida loogaga soo saaro madaxeeda.

Shan maalin kadib ayaa laga soo saaray isbitaalka Zhang, waxaana wareysi lala yeeshay ay ku sheegtay in aysan hada dareemeynin wax xanuun ah ama saameyn uu dhaawacaasi ku reebay.

Dhaqaatiirta badbaadisay ayaa sawiray raajada ay saareen madaxeeda ka hor inta aysan midida ka siibin, waxaana ay xaqiijiyeen in midida aysan gaarin neerfayaasha iyo maskaxda, isla markaana aysan ka jibinin lafta dahaarka madaxa.


Lanzhou oo ah caasimada iyo magaalada ugu weyn gobolka Gansu ee waqooyi galbeed China ayey ku nooshahay haweeneydaan sida yaabka leh uga badbaaday mindi madaxeeda si qatar ah u dhex fariisatay.

No comments:

Post a Comment