Sunday, October 21, 2012

Nin Soomaali oo Dambi Lagu Helay kaas oo Ah in uu dhalinyaro Soomaali Mareykan u Qoray Al - Shabaab

Dambiile Mahamuud
Maxkamad ku taal Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa dambi ku heshay nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamuud Saciid Cumar, inuu gacan ka geystay in dhalinyaro ka tagay Gobolka ay ku biiraan Al-Shabaab.

Dhageysiga dacwada ayaa bilaabatay 1-dii bishan, waxaana ninkan Soomaaliga ah lagu helay ilaa shan dambi oo ahaa eedihii loo jeediyay, iyadoo Maxkamada lagu soo bandhigay muuqaalo muujinayay dhalinyarada oo loo tababarayo, hubka iyo waxyaabaha qarxa.

Maxamuud Saciid Cumar oo 46-jir ah ayaa muteysan doono Xabsi daa'in ah, iyadoo qareenada difaacayay aanay wax marqaati ah soo bandhigin intii ay socotay dhageysiga dacwada.

Labaatameeyo dhalinyaro Soomaali Mareykan ah ayaa ku biiray Al-Shabaab sanadkii 2008-dii, si ay ugu bar bar dagaalameen, iyadoo mid ka mid ah uu bishii October ee sanadkii 2008-dii uu fuliyay weerar is qarxin ah.

No comments:

Post a Comment