Wednesday, October 24, 2012

Haweeneydii ugu sareeya Haweenka Al Shabab oo lagu qabtay Kismaayo

Haweeney AL Shabaab Ah
Sida uu qoray wargeeska daily Nation ee kasoo baxa wadanka kenya ciidamada kenya ee kusugan gudaha dalka soomaalia ayaa gacanta kusoo dhigay haweenadii ugu sareysay xarakada Al-shabab ee soomaaliya taasi oo lagu qabtay magaala xeebedka kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

Afhayeenka ciidamada difaaca kenya ee dhanka macluumadka Cyrus Oguna ayaa sheegay in baritaan guri ka guri ay ka sameeyen gudaha magalada kismaayo midkasi oo soconayay 72-sacadood ayuu sheegay in lagu soo qabtay haweyneydi ugu sareysay xarakada Al-Shabab ee soomaaliya iyo in ka badan 72 Al-shabab kamid ah.

Co.Cyrus Oguna ayaa sheegay in gacan ku dhigista haweenayndaasi ay tahay dadaal weyn ay bixiyeen ciidamada kenya iyo kuwa soomaalida ee kuwada sugan magalada kismaayo waxa uu cadeeyay in haweenayda ay AL-shabab u qaabilsaneed ku dhiri galinta hawenka dhanka weerarada al-shabab ay ku qadayaan xarumaha dawlada soomaaliya iyo kuwa ciimada nabad ilaalinta midowga afrika ee magacooda loso gaabiyo AMISOM.

Cyrus Oguna ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in ciidamada kenya ay si aad ah ula shaqayn doonan ciidamada soomaaliya si loo gaaro nabad galyo buuxda oo laga hirgaliyo gudaha magalada kismaayo oo dhawaan laga saray maamulkii Al-Shabab oo sanado halkasi maamulayey.

No comments:

Post a Comment