Wednesday, October 24, 2012

Gabar Dawo ay isticmaashay Darteed Muuqaalkeeda uu isku badalay Raga oo kale (Daawo Sawirada)


Gabadh Gashaanti ah ama aan wali la guursan oo u dhalatay dalka Shiinaha ayaa dhakhaatiirtu la wareersan yihiin xaaladeed oo mar kaliya is badashay ka dib markii ay qaadatay dawo ay u cunaysay xanuun hore ugu dhacay oo ah cudurada la iska dhaxlo, laakiin xal u raadintii kaga sii darnaatay.

Gabadhan oo da?deeda lagu sheegay lix iyo toban jir, isla markaana lagu magacaabo, Nana, waxa sida ay ku warantay jariirada (Daily Mail) ee ka soo baxda dalka Ingiriisku, ku dhacay xanuun lagu magacaabo, Anemia, kaas oo ah xanuunada la kala dhaxlo, sida jariiradu sheegtay waxa ay dhakhaatiirtu kula taliyeen gabadhaas yar in ay si joogto ah u qaadato, kiniino ama dawooyin lagula tacaalo xanuunkaas.

Nasiib daro gabadhan yari markii ay qaadanaysay dawadii loo qoray ayaa mar kaliya xaaladeedu isu badashay nooc kale oo aan la filayn ama aan la malaysan karayn, waxa gabadhaasi yeelatay Gar isku jooga iyo timo fara badan oo sida raga oo kale ka soo baxay wajiga iyo meelo badan oo jidhkeeda ah, kuwaas oo si xawli ah isu tarayay marba marka ka danbaysa, ilaa heer muuqaalkeedu isu rogay nin Gar madoow leh  oo kale.

Dhakhaatiirtii dawaynayay gabadhan yar ee reer Shiine ayaa la anfariiray sida muuqaalkeedu isku badalay, waxaanay ilaa wali u qaadan laayihiin, sababta dawadii loo siiyay in ay nolosheeda ku badbaadisaa isugu badashay mid ku abuurtay xanuun cusub oo badalay nolosheeda iyo muuqaalkeeda oo dhan.

Dhinaca kale waalidka dhalay Nana ayaa warbaahinta u sheegay in gabadhoodu markii hore ee ay qabtay xanuunkii Anemia ay ahayd mid fir fircoon, oo dad dhex gal leh, si caadiya oo dabiiciyana u nool, laakiin wixii ka danbeeyay intii muuqaalkeedu is badalay nolosheedu oodan noqotay oo gooni joog ku danbaysay.

Gabadhan ayay dhakhaatiirtu wakhti xaadirkan sheegayaan in xanuunkii hore ee hayay uu ugu biiray xanuun cusub oo lagu magacaabo, (Hires-Suits) kaas oo ah xanuun sababa timo xad dhaaf ah oo qofka gabi ahaanba ku dahaadhma si aan caadi ahayna uga soo baxa meel kasta oo jidhka qofka ka mid ah.

No comments:

Post a Comment