Saturday, October 13, 2012

Hooyo Soomaaliyed oo afar caruur ku Dhashay magaalada Muqdisho (Masawiro)

 Hooyo Soomaaliyed oo ku nool Xero barakac oo ku taal degmada Hodan ku umushay afar caruur ah oo saddex gabar iyo hal wiil, iyadoo mid ka ka mid ah caruurteeda mataanaha uu ka saqiiray, waxaana dhacdadan saacadihii u dambeeyay si aad ah uga hadlayeen Warbaahinta Muqdisho.

Xaliimo Maxamed Cali waa hooyada dhashay afarta caruur
ee mataanaha, balse uu Alle ka oofsaday mid ka mid ah caruurteeda, waxayna aheyd arrin ugub ah markii dhagaha dadka ku soo dhaceen Haweeney umushay Afar caruur.

Inkastoo Hooyadan ka mid tahay haweenka dhibaatooyinka ku heysta magaalada Muqdisho, kana mid ah kumanaanka barakacayala ee Muqdisho guryaha ka sameysan bacaha iyo cooshadaha degan ayaa ku cataabtay in xilligan aanay heysan wax ay caruurteeda siiso nafaqo iyo jiif midna.





Saddex caruur oo caafimaadkooda aad u wanaagsanaa ayaa ku jiifay Baakado dhulka yaalay, waana arrin murugo leh in canug labo cisho jira in baakado dhulka yaala ku jiifo.

Hooyadan oo Warbaahinta ugu tagtay aqalkeeda ka sameysan bacaha ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyed inay kaalmo la soo gaaraan, si ay caruurtooda ay ugu korsato, waxaana arrinta ugu yaabka badnaa ahaa in aysan heysan maro ama dhar dhaxanta ay ka galaan, iyadoo saqafka kore ee aqalka ay ku jiraan ka sameysan yahay marooyin iyo ulal laga taagay guriga oo ay halis ugu jiraan dhibicda roobka iyo qabowga.




Bulshada Soomaaliyed ayaa dhif iyo naadir ku ah Mataanaha afarta ah, iyadoo muddo dhowr bilood ka hor Hooyo Soomaaliyed ay degmada Buulo Burde ku umushay ilaa afar caruur ah.


No comments:

Post a Comment