Sunday, October 14, 2012

Kufsi loo geeystay gabar Soomaaliyeed oo 16 jir ah

WARQAD FURAN

Ku: Aggaasimaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka

Ku: Taliyaha Booliska Soomaaliyeed

Ku: Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Ku: Maxkamadda Ciidamada

Og: Ra’iisulwasaaraha Dawladda Federaalka


Og: Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Og: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed


Muqdisho, Oktoobar 10, 2012

Mudanayaal iyo marwooyin

Maalin Isniin ah taariikhduna tahay 01/10/2012, gabadhda magaceeda dhabtaa uu qarsoon yahay (-------- --------- -------), balse aan ugu waqlalnay RAJO_, si lo dhawro karaamadeeda, waxay u ahayd maalintaasi mid madow oo ku suntanaan doonta qalbigeeda inta ka hartay nolosheeda. Waa maalintii Rajo ay la kulantay kufsi arxan darra ah, oo ay ku sameeyeen rag ka tirsan Ciidamada Nabadsugidda Qaranka.



Rajo reerkoodu waxay degan yihiin xaafad ka mid ah xaafadaha Suuqa Xoolaha. Xaafadda ay ka sii deganyihiin Suuqa Xoolaha waxaa si gaar ah u saameeyay dagaaladii ay dawladu kula jirtay Al-shabaab. Dadkii degenaa xaafadaas badankoodu waa ay ka barakaceen, welina si xoogan uguma aysan soo laaban guryahoodii. Waxaa xaafaddaas/laantaas deggan qoysas danyar ah, guryaha badankooduna waxay ka sameysanyihiin jiingado.



Rajo markay ka timid dugsigii ay ka baran jirtay Qur’aanka Kariimka ah, ayaa hooyadeed suuqa uga dirsatay adeegii qadada, saacaduna waxay ku abaarneed 10:30 – 11:00 aroornimo. Guryaha lagu noolyahay Inta u dhaxeyso suuqa laga adeegto iyo guriga ay deganyihiin qoyska Rajo, aad bay u yaryihiin. Qiyaastii shantii guriba mid ayaa laga degan yahay. Xaafadoo dhan waxaa darfaha is-qabsaday geedka loo yaqaan “Cali Garoob ama Kaligii Noole” Waa meel hawd iyo cidlaba ah, oo ay dadku aad uga cabsadaan. Rajo markay u sii socotay suuqa waxaa wehel la noqday cabsi, argagax iyo shaki badan. Waayo isla goobta ay marayso ayaa dhawr usbuuc ka hor lagu arkay meydka gabar yar oo inta la kufsaday, misna la dilay hadana god gaaban lagu riday.

Iyadoo beerka farta ku hayso, waxay Rajo isgoys horteeda ah uga soo muuqday nin dhar cad ku lebisan oo wadada dhinac ka taagan, sitana qori AK ah. Waxay go’aansatay in aysan cabsi badan muujinin oo ay saanta horay u sii qaado. Markii ay la simantahay ninkii qorayga sitay, ayaa waxaa geeska kale ee jidka ka soo booday labo nin, oo kala sita AK iyo qoray Dabajeex ah. Seddaxii nin ayaa isku mar soo hujoomay, dabadeedna dib ayey u carartay Rajo. Waa ay soo eryadeen iyagoo ku qeylinaaya “Istaag”. Waxayna ku rideen xabad. Xabadii waxay ka martay labadeeda lugood dhexdooda, waxayna daloolisay diracii ay xidhneed. Rajo ma aysan istaagin, waa ay sii carartay, si ay nafsadeeda ula baxsato. Nasiibdaro, sidii ay usii cararaysay seddax nin oo kale oo hubaysan, kuna lebisan dhar cad ayey ku tagtay. Waana ay qabteen.



Laba ka mid ah kuwii soo eryaday iyo ragii kale ayaa meel aan ka fogeyn ku faqay. Midna iyada ayuu sii hayey. Waxayna go’aansadeen in Rajo loo gacan geliyo kuwii ay ka soo carartay. Waxayna ku dhaheen “miyaad amniga ka baxsan kartaa”. Seddexdii kale, waa ay iska dhaqaajiyeen, iyagoo aanan juuq u oran Rajo.



Durbadiiba waxay ka faramaroojiyeen Mobile-kii ay sidatay. Waxaan ay ka siibeen jalbaabkii ay xidhneed. Kadibna, waxaa gacmaha looga xidh-xidhay garbasaarkeedii ka hooseeyay jalbaabka. Intaa kadibna, jalbaabki ayaa dib loogu gelishay, si ciddii ka hortimaado aysan u arag in ay gacmaha ka xiran tahay.



Rajo intii la sii kaxeynayey, waxaa dhawr jeer lagu handady in la dilidoono –dilkaasina uu dhici doono marki ay dantooda ka dhameystaan. Seddaxdii nin waxay Rajo geysteen guriga jiingad ah, oo jajaban, oo ku yaal meel cirsiila ah oo aan la degenayn. Rajo waa ay ka quusatay nolol, waxayna aamintay in la dilidoono. Inkasto oo ay niyad ahaan isdhiibtay, hadana Rajo waxay si aamusnaan ah Rabiga Weyn uga baryeysay badbaado.



Markii ay la galeen gurigii Jiingada ahaa ayey markale labadeeda gacmood ku sii dhuujiyeen xariggii (isla garbasaarkeedii), kadibna waxay ku sii xireen tiir ka mid ah tiirarka aqalka. Jalbaabkeediina indhaha ayey uga duubeen. Waxaana uga digeen in qeyladu soo dedejin doonto dhimashadeeda. Rajo halkaas ayaa lagu kufsaday, waxaana isu dhaafay seddaxdii nin ee soo qafaashay. Marba laba ka mid ah kufsadayaasha ayaa ilaalo ka ahaa ilinka hore ee guriga.

Markii ay dantooda ka dhameeysteen kadib ayaa dhawr daqiiqadood laga furay duubkii indhaha. Waxaana la weydiiyay in ay sheegto lambar sireedka (EVC Plus secret code) mobile-keeda, si ay ula baxaan lacagta ku jirto. Waxay ku tiri “ma aqaan, hooyadey ayaa iska leh teleefoonka”. Dhawr jeer ayaa madaxa qoriga laga saaray. Rajo waa ay ooysay, waxayna ku dhaaratay in aysan garanayn lamabr sireedka ay ku qasbayaan sheegidiisa.

Wax yar kadib Rajo Indhaha ayaa dib looga xiray. Iyagoo weli kor taagan, waxay seddexdii nin bilaabeen in ay ka tashadaan waxii ay ka yeeli lahaayeen nolasheeda. Laba ka mid raggii kufsady waxay isku raaceen in la dilo. Mid ka mid ahna waa uu diiday. Muran ka dib, banaanka ayey u wada baxeen.



Rajo halkeedii ayey ku xidhneed in mudda ah. Markii ay maqliweysay wax qajaf dhaha, ama hadal ayey bilowday in ay si xoog ah ula shahiido xarigii gacmaha uga xidhnaa. Marba gacan ayey la baxday. Kadibna duubkii indhaha ayey iska furtay. Ayadoo naf la caari ah, ayey markale isku biimeysay in ay ku baxsato cagaheeda. Waxay uga carartay goobtii lagu faraxumeeyay qaar ka mid ah dharkeeda. Waxayna u gashay gurigii ugu dhawaa ee la deganaa. Halkaas ayaa waxaa dhar siiyay gabadhii guriga lahayd. Dabadeedna waxaa loogu yeeray hooyadeed, taasoo kaxeystay gabdheedii iyadoo ilmeynaysa.



Inkastoo dadka deriska ay kula taliyeen in aysan dacwoon, Waalidiinta Rajo waxay ku dhiiradeen in ay ka dacwoodeen Saldhigga Booliska Yaaqshiid. Waxayna sheegeen falkii Foosha xumaa ay Rajo la kulantay iyo dhibaatadii soo gaartay.



Xog ururin iyo baaritaan ay sameeyeen deriskii iyo eheledii ku soo baxay faraxumayntii gabadhaas yar loo geystay, waxaa la ogaaday in ragga falkaas geystay ay ka tirsan yihiin Ciidamada Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee ka hawlgala nawaaxiga Suuqa Xoolaha. Ciidankaasi tiro ahaan waxay gaarayaan 20 ruux oo loogu talagalay in lagu xoojiyo ciidan kale ee isugu jira milateri iyo Boolis kana hawlgala isla aagaas.



Seddaxda nin ee kufsaday gabadha yar waxay ka tirsan yihiin Ciidamada Nabadsugidda (PST-A). Ragga maalintaas ka hawlgalay halka Rajo lagu kufsaday waa la yaqaan. Raggaas waxaa taliya u ah nin magaciisa lagu soo gaabshay Cabdi Dheere.

Kadibna qaar ka mid ah raggii lagu tuhunsanaa kufsigaas ayaa lagu soo xiray saldhiga Booliska ee Yaaqshiid.



Waalidka iyo Ehelada Rajo waxay Maalintii khamiista ahayd (04/10/2012) tageen xarunta Nabadsugidda ee ku dhaw Villa Somalia, si ay ula kulmaan Taliye Shaahiyow. Cabdi Dheere oo isna yimid goobtaas, wuxuu isku dayey in dadkii ka socday dhibanaha uu ku celiyo irridka hore ee xarunta, si aysan u arag Taliyiha. Wuxuuna ku dhaqaaqay in uu difaaco eedeysanayaasha ku eedeysan kufsiga. Eheladii Rajo waa ay ka diideen jidgooyada uu rabay Cabdi Dheere in uu iyaga u dhigto Waxayna ku adkeysteen in ay arkaan Taliye Shaahiyow. Muran badan kadib, waxaa u suurtagashay eheledii Rajo in ay la kulmaan Taliye Shaahiyow, wuxuuna amar ku baxshay in eedeysanayaashu ay sii xirnaadaan illaa sabtida (07/10/2012). Reerkii dhibanahana wuxuu ku amary in gabadha ay geeyaan saldhigga, si ay u soo saarto raggii kufsaday, haddii ay garanayso. Nasiibdarro, Raggii waa la sii daayey ka hor waqtigii lagu ballamay.



Isla maalintii sabtida, waxay eheladii Rajo la hadleen Taliye Shaahiyow, wuxuuna amray in ay markale tagaan saldhigga. Wuxuuna ballan qaaday in niminkii kufsiga ku eedeysanaa la soo xiridoono. Eheladii waxay ku laabteen Saldhigga Yaaqshiid abaartii 07:30 maalintii Axada (08/10/2012) waxayna fadhiyeen saldhigga illaa iyo 12:00 duhurnimo. Marka kale, ayaa Taliye Shaahiyow lagu wargeliyey in aanan la soo xirin Eedeysanayaashii. Wuxuu Taliyuhu qabsaday in la siiyo muddo hal saac ah, si uu amar adag u siiyo Cabdi dheere, oo ah Taliyaha Eedeysanayaasha. Saacad kadib, wuxuu Taliye Shaahiyow u sheegay Eheladii Rajo in uu amar adag baxshay, balse Cabdi Dheere uu si bareer ah, u diiday in uu qaato amarkiisa. Taliye Shaahiyow wuxuu kula taliyey eheladii murugeysneyd in ay dacwadooda u gudbiyaan xagga maxkamadaha.



Eheladii iyo dhibanhiiba waxaa la soo deristay RAJO LA’AAN. Waayo mar haddiba aysan ciidanku kala amar qaadanaynin, taliyaasha qaarna ay doonayaan in ay u hiiliyaan Eedeysanaha halka ay uga hiilin lahaayeen sharciga ama gabadha yar ee Soomaaliyeed oo ay seddax rag ah kufsadeen. Kalsoonidarada soo wajahday qoyska Rajo ayaa khasabtay in ay dhibkooda u soo gudbiyaan madaxda cusub ee dalka iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta ay joogan, iyagoo adeegsanaya warbaahinta. Waayo tacadig noocaan oo kale ah waa sida qaaxo (TB), qaaxana lama qarsankaro, daaweynteeda oo raagtana dhimasha ayey sababtaa.

Gebagebadii, waxaa laga codsanyaa madaxda kor ku xusan, in ay jawaab waafi ah ka baxshaan su’aalaha soo socda una adeegaan caddaaladda.



Gabdha yar (Rajo) ee la kufsaday laguna tuntay xuquuqdeedii Islaanimo, banii’aadanimo iyo Soomaalinimo ma heli kartaa Xaqsoorid iyo Caddaalad-fal buuxda, oo keenikarta eedeysanyaashaasi kufsaday gabadhaas sharciga hortiisa (Maxkamad Ciidan). Maxkamaddas oo ka fayabqabta eex, laaluush, musuqmaasuq iyo qabyaaladaysi?



Ehelada Rajo, deriskooda iyo dhammaan waalidiinta Soomaaliyeed meel kast ay dalka uga nool yihiin, ma helikarayaan dawlad dammaanad qaadikarta sugitaanka aminga iyo karaamada Rabi ku maneysatay gabdhahooda, kana badbaadin karta kufsiga. Kufsigaas oo ku badan goobaha dhawaan laga xureeyay Al-shabaab. Mise waxaa lagu qasbidoonaa dhibanayaasha kufsiga (rape victims) in ay xaqsooridda ay u baahan yihiin ka raadsadaan ama ay u hoos-galaan qabiil –oo aan ognahay dhibaatadiisa, mise waxaa lagula talinayaa in ay ka quustaan caddaalad isgana haajiraan dalka?



Mudane Madaxweyne, Guddoomiye iyo Ra’iisulwasaare inkasta oo aad ku leedihiin warqaddaan furan ogeysiin kaliya, hadana waxaad tihiin ileys, iftiin iyo rajo meel fog ka bidhaamaysa, balse haddii gabdhaan yar, oo aan ugu magacdarnay (Rajo), oo ay kufsadeen rag ka tirsan ciidanka dawladda ee aad madaxda ka tihiin ay heliweyso caddaalad, daryeel iyo ka magdhabid dhibaatadii loogu geystay magaca Dawladda Federaalka, maxaad ka filaysaan shacbi weynaha Soomaaliyeed ee ka dhursugayaa haraadkana u qaba sugitaanka amniga gabdhahooda iyo xaasakooda iyo dhawritaaanka xuquuqda marasta Soomaaliyeed ee u nugul kufsiga, dhaca iyo tacadiyada kale?



Su’aalahaas ka dib, waxay waalidiinta Rajo si xushmad leh uga codsanayaan Madaxda Sare ee Dalka iyo kuwa ay warqaddaani sida tooska ah ugu socoto, in gabadhooda ay heshaa xuquuqdeeda dastuuriga ah, iyadoo islamarkaasna la badbaadinaya sumcadda iyo magaca guud ee ciidamada Soomaaliyeed, kuwii faldembiyaadkaas galayna la hor keenidoono sharciga.



Mahadsanidiin
Qore: Eheladii iyo naxaanka Rajo

Fadlan nagala soo xiriir e-mail yada hoos ku xusan

xasanabana@gmail.com iyo xasan.abana@gmail.com

1 comment:

  1. Ina lilahi waina ilahi rajicun kuwas gabadha yarta ah faraxumeyay akhiro iyo adunkaba waa kuceebobeen abaal koodana waa lamarin doona INSHALLAH.

    ReplyDelete