Sunday, October 21, 2012

Bam gacmeed lagu weeraray goob aroos ka socday degmada Hodan

Buraanbur
Ugu yaraan 12-ruux oo haween ah ayaa ku dhaawacmay Bam gacmeed galabta lagu weeraray guri ku yaal degmada Hodan oo ka socday Arooska maalinta todobaad ee loo yaqaano Shaash-saarka.

Abwaan Maxamed Maxamuud oo loo yaqaano Kaa-dheeri oo ahaa aabaha dhalay wiilka caruuska ee Todobada afadiisa la shaah-saarayay ayaa sheegay in Bam lagu soo tuuray goobta ka socotay shaash-saarkii gabadha, isla markaana ay ku dhaawacmeen dad ka badan tobaneeyo ruux.

Abwaanka ayaa sheegay in bamka la soo tuuray markii ay goobta ay soo xaadireen haweenkii ka qeyb galayay todobada shaash-saarka ah.

"Waxaa meesha ay ka dhaceen ay aheyd Isbitaalka xooga gadaashiis, meel u dhaxeysa Xeradii Agoonta, waxaa soo dhacay bam gacmeed, meeshana dad badan ayaa daadsanaa, dhaawaca waxaa loo soo qaaday Isbitaalada Banaadir iyo Madiina"ayuu yir Abwaan Kaa-dheeri.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka dhaawacmay ay ku jirtay hooyada dhashay wiilka caruuska ahaa iyo eedadiisa, iyadoo aan wax dhibaato ah soo gaarin gabadhii la shaash-saarayay, oo la sheegay in bamka uu soo dhacay, inta aan barxada shaash-saarka la keenin.

Wararka ayaa sheegaya in goobta ay ka socotay buraanbur iyo gaada ka ciyaar jaanta iyo jiibta la isula helayay, waxaana markii dambe laga war helay jugtii qaraxa, dadkana ay noqdeen kuwo kolba meel u kala firxaday.

Lama oga cida soo tuurtay, cid sheegatayna ma jiraan, hase ahaatee waa arrin ugub ah in Aroosyada la weeraro, iyadoo beryihii u dambeeyay ay magaalada Muqdisho ku soo badanayeen Dadka is aroosayay, kadib markii magaalada is bedelo ka dhaceen.

No comments:

Post a Comment