Saturday, October 20, 2012

Magaalada Muqdisho

Muqdisho  waa caasimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa ayna ku taalaa galbeedka Badweynta Hindiya, waa magaalo qurux badan oo indhuhu soo jiitaan, oo aay badweynta Hindiya kaga wareegsan tahay sadax jiho.

Waxaa magaalada Muqdisho dhidibada loo aasay waqti aad u fog oo aay taariikhyahanada isku qilaafeen in magaaladani la aas'aasay qarnigii 2aad ama kii 3aad ee taariikhda miilaadiga.

Muqdisho waxey ahaan jirtay xarun ganacsi iyo marin kala qeybiya Hindiya iyo Yurub (inta aan la qodin Kanaalka Suwees) iyo jaziirada carabta iyo xeebta Afrikada bari Magaalada Muqdisho waxey ka koobnaan jirtay 6 xaafadood ama tuulo oo aay deganaayeen qabaail, xaafad kasto waxaa xukumi jiray Sheekh, xaafadaha waxey lahaayeen golaha odayaasha sida qaabka federaalka ah oo kulmiya dhamaan xaafadahaas loogana tashan jiray arimaha magaalada Qarnigii 4aad ee miilaadiga magaalada Muqdisho isku badashay nidaam ama maamul u eg saldanad.

Muqadhisu allaha ha caweno

1 comment:

  1. Playcasino - Mapyro
    Playcasino, The Best Casino and 부산광역 출장마사지 Sports 포항 출장안마 Book in 광주광역 출장마사지 Washington State. Visit our website to search for 용인 출장샵 casinos and sports betting in Washington 제주도 출장마사지 State. See map.

    ReplyDelete