Wednesday, October 24, 2012

Goobo lagu Iibiyo Caanaha Haweenka (Daawo Sawirada)

Haweenka ku nool Wadamada Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa bilaabay in ay caanaha dheeradka ee nasahooga ku jira ay iibiyaan si ay u heelaan lacago cadaan ah iyagoona furtay goobo lagu iibiyo.

Haweenkan ayaa caanahooda ku iibiyo ama ku beec geeyo website ay leeyihiin iyo sidoo kale bogaga bulshada ay kuwada xiriiraan sida facebooka.

Hoyooyinka ku nool labadaas dal ee Uk iyo USA ayaa si aad ah u iibsada caanahan iyagoona ku sheegay in caano farabadan oo ay siyaan caruurtooda ay kaga badbaadayaan cudro badan oo soo wajihi lahaa islamarkaana carurta ay ka helaan caanahan dheeraadka ah koriimo fiican.

Sidoo kale haweenka aan jecleen in ay caanaha nasahooga ay ku quudiyaaan caruurtooda ayaa si aad ah u iibasada caanahan ay iibiyaan haweenka kunool labadaasi dal ana sheegnay.

.
Qiimaha lakala iibsado caanahan ayaa ah mid kala duwan kuna xiran qofka halka uu ka soo dalbanayo iyo tan markaas canaha iska iibinayso ay ku sugan tahay.

Si kastaba ha ahaatee caanahan ayaa waxa ka deeriyeen dhaqaatiir u dhashay dalka Jarmalka oo ku sheegen i ay u daran yihiin cafimaadka ilmaha la siiyo canaahan.

No comments:

Post a Comment