Tuesday, October 16, 2012

Nolosha Mataanaha ku dhashay Muqdisho oo Shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo kafaala qaaday Daawo (Sawirro)

Kadib baaqii hooyo Xaliimo Maxamed Cabdi oo 4 mataano ah ku dhashay Xerada Barakacayaasha Tarabuunka ee Degmada Hodan ayaa shirkadda isgaarsiinta Hormuud waxey kafaala qaaday nolosha carruurtaasi iyo hooyadood muddo 2 sano ah iyadoo shirkaddu ay bil walbo siinayso qoyskan $300 (sadix boqo oo Dollar).




Caruurtaan oo ahaa 4 mataano ayaa waxey kala ahaayeen 3 Gabdhood iyo 1 wiil balse maalin kadib waxaa geeriyooday wiilkii mataanaha waxaana hadda ay haysataa hooyo xaliimo 3 dii Gabdhood oo la kala yiraado Deeqo, Shukri iyo Nafiso.

Hooyo Xaliimo Maxamed Cabdi oo sanadii 2011-kii ka soo barakacday Gobolka Bay ee koonfurta Soomaaliya kadib abaaro ba’an oo ku dhuftay gobollo badan oo ka mid ah Soomaaliya ayaa waxey ka mid noqotay kumanaan qoys oo hoy ka dhigtay fagaaraha tarabuunka Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.


Hooyo xaliimo oo saxaafadda lahadashay ayaa uga mahad celisay shirkadda isgaarsiinta Hormuud damaanad qaadka Nolosha carruurteeda muddo 2 sano ah.


Xarada tarabuunka oo ay degganyihiin dad barakacayaal ah oo ay ka jirto xaalad nololeed oo aad u liidata.
Hormuud Telecom ayaa dardar gelisay taakuleynta dadka dhibaataysan sida indhoolayaasha dhagoolayaasha barakacayaasha iyo gargaarka masiibooyinka dabiiciga ah.





No comments:

Post a Comment