Wednesday, October 17, 2012

Oday da'diisu tahay 96 sano oo xaaskiisa wiil ugu dhashay magaalada Haryana

Nin u dhashay dalka Hindiya oo 96 jir ah ayaa xaaskiisa ay ku umushay wiil isbitaal ku yaal magaalada Haryana dalka Hindiya.

Ramjit Raghav ayaa labo sano kahor waxa uu noqday ninka ugu da’ada weyn ee loo dhalo ilmo isagoo xilligaas jirey 94 sano.


Xaaska odaygan oo lagu magacaabo Shakuntala ayaa iyadana ah da’adeeda 54 sano jir ayaa bishii hore waxa ay u dhashay wiilkii labaad odaygan 96 jirka ah.

Odaygan oo ku nool magaalada Haryana oo 31 mile u jirta caasimada dalka Hindiya ee Delhi ayaa waxa uu sheegay in dadka ku nool magaalada uu degen yahay ay ka masayrsan yihiin da’ada uu joogo oo carruurtana uu ku dhalayo.

Shakuntala oo ku dhashay wiil caafimaad qaba bishii hore isbitaal ay dowladu leedahay ayaa dhaqaatiirta isbitaalka waxa la yaab ku noqotay markii uu odaygan uu u sheegay in uu yahay wiilka yar aabihii.



Ramjit oo ah beeralay ayaa waxa uu doonayaa in carruurtiisa ay noqdaan mustaqbalka dad u shaqeeya dowlada oo mas’uuliyiin ah intii ay noqon lahaayeen beeralay.

Ramjit ayaan lahayn carruur kale oo aan ka ahayn labadan wiil, waxana hore ugaga dhintey xaasas badan oo uu soo guursaday.

Xaaska Ramjit ayaa sheegtay inay ku qanacsan tahay odaygan 96jirka uuna leeyahay awood la mid ah wiilka 25jirka ah.

No comments:

Post a Comment